Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo bandhigtay Buuga qorshaha shanta sano ee waxbarashada

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland oo kaashanaysay hay’adda  Save the Children, ayaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland kusoo bandhigtay buug ka turjumaya qorshe hawleedka wasaaradda ee muddada shanta sano ee soo socota ah.

Daah-furka buugaan waxaa kasoo qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, agaasimaha tacliinta sare, agaasimaha guud ee Wasaaaradda qorshaynta iyo masuuliyiin ka tirsan hay’adaha bah wadaagta la ah waxbarashada.

Agaasimaha Tacliinta sare ee Puntland, Maxamed Axmed Warsame Shirdoon ayaa sheegay in qorista buugaan oo ku qoran Afsoomaali iyo English ay socotay muddo 8 bilood ah islamarkaana uu yahay mid laga heli karo dhammaan goobaha waxbarashada.

Madaxa hay’adda Save Children oo ah hay’adda qaybta weyn ka qaadatay soo saarida iyo hirgalinta buugaan, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa sheegay inuu buugaan ka turjumayo waxqabadka muuqda ee Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland, Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, ayaa sheegay in buugaani uu soo maray heerar kala duwan, ayna u dhaqangelin doonaan sida ugu habboon si kor loogu qaado waxbarashada Puntland.

Buugaan ayuu tilmaamay u jeedada laga leeyahay inay tahay sidii dhamaan ardayda Puntland ay u heli lahaayeen waxbarasho, islamarkaana uu xooga saarayo waxbarashada xanaada Caruurta,dugsiyada aasiga ah, dugsiyada sare, Jaamacadaha,Farsamada gacanta,tacliinta sare iyo in  kor loo qaado waxbarashada gabdhaha.

Puntland ayaa kaalinta labaad ka gashay qiimayn qorsheyaasha waxqabadka Shanta sano ee dalalka afriga arintaas oo lagu amaanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland sida uu sheegay agaasimaha guud.

PUNTLAND POST