
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta shaacisay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 4-aad ee dugsiyada sare.
Imtixaanka fasalka 4-aad ee Dugsiyada sareĀ ee Puntland ayaa sanadkan waxaa u fariistay 3,889 arday oo ay 2,479 wiilal ahaayeen, halka 1,410 ay gabdho ahaayeen, waxaan Imtixaankaas ka gudubtay 3687 arday, halka ay dhacday 136 arday.
C/lahi Maxamud Yusuf oo ka socday dugsiga sare Al-waxa Garowe ayaa noqday ardayga ugu sareeya Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare ee Puntland, isagoo keenay natiijada 96.71%,
Hoos ka dhageyso 11-ka arday ee ugu sareeyay Imtixaankii shahaadiga Dugsiga sare ee Puntland
PUNTLAND POST