Puntland oo meel marisay degmooyin Cusub

Golaha Wasiiradda Puntland oo maanta shirkoodii Khamiis laha ku yeeshay maagalada Garowe uuna shir guddoominayay madaxweyne Gaas ayaa meel mariyay Afar Degmo oo cusub.

Afarta Degmo ee la meel mariyay ayaa kala ah Shaxda Gobolka Karkaar, Dhudhub Gobolka Karkaar, Xumbays Gobolka Bari iyo Buursaalax Gobolka Mudug,

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland ayaa degmooyinkan horkeentay Golaha Wasiirada, waxayna sheegtay in ay buuxiyeen shuruudaha looga baahnaa heer Degmo ayna xaq u leeyihiin in ay kamid noqdaan degmooyinka Puntland.

Golaha Wasiiradda Puntland ayaa intaas kadib Cod gacantaag ah ku meel mariyaya degmooyinka cusub.

Afarta Degmo ee cusub ayaa la horgeyn doonaa Golaha Barlamaanka Puntland oo haatan ku jira kal-fadhigoodii 39-aad.

PUNTLAND POST