Ra’iisul wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibada Norway


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibada Norway Børge Brende iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Børge Brende  ayaa kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya, waxaana kulanka kulanka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah, wuxuna sidoo kale tilmaamay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh dawladda.

“Booqashada uu noogu yimid Wasiirka Arrimaha dibada Norway waxay cadeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faa’iideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibada Norway Børge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh 4-tii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana loo baahan yahay in lasii adkeeyo.isagoo intaasi raaciyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibada Norway Børge Brende ayaa kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PUNTLAND POST