
Dowladda Venezuela ayaa shaacisay in Sargaal ka tirsan ciidamada Military-ga uu diyaarad Helicopter ah ku weeraray dhismaha xarunta Maxkamadda sare ee dalkaasi.
Nicolas Maduro madaxweynaha Venezuela ayaa sheegay in Sarkaalkan uu soo afduubay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Booliska, ka dibna uu ku weeraray xarunta Maxkamadda sare ee magaalada Caracas, isagoo ku tilmaamay falkaas mid argagaxiso, sidoo kale madaxweyne Maduro ayaa sheegay in laamaha amnigu soo qaban doonaan cidii ka danbeysay weerarkaas.
Baraha Internet-yada, ayaa lagu faafiyay muuqaalo muujinaya diyaaradaasi oo ku dul-wareegeysa xarunta Maxkamadda, ka hor intii aan halkaasi laga maqlin qaraxyo.
Sarkaalkan oo magaciisa ku sheegay Oscar Perez yaa baahiyay War qoraal ah oo uu ku baaqayo in talaabo laga qaado waxa uu ugu yeeray dowlad dembiile ah.
Dalka Venezuela ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay waxaa ka dhacay mudaharaaadyo rabshado wata oo looga soo horjeedo dowladda waxaana ku dhintay in ka badan 70 qof.
PUNTLAND POST