Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Degmada Eyl


Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Waftiga Wasiir Juxa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Eyl, waxaana ka qeyb galay maamulka Degmada  iyo Boqolaal dadweyne ah, kuwaas oo uga hortagay wafdiga meel dhowr KM u jirta magaalada Eyl.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Fedraalka ayaa soo dhaweyn ka dib kulan la qaatey maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna Wasiirku uga mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay Degmada Eyl.

Eyl ayaa ah Degmo taariikhi ah, waana markii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya oo ay gaaraan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST