
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ee la magacbaxay Somaliland ugu baaqay in laga wada shaqeeyo Midnimada iyo Qaranimada dalka.
Madaxweyne Farmaajo oo xalay Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay maalintii Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya qaateen xoyadda ayuu yiri.
“Xuska 26-ka June waxaa walaalahayaga Gobolada Waqooyiga, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumarba aan ugu baaqayaa inay tahay masuuliyad inoo wada taala inaan dib u hanano qaranimadii iyo midnimadii dalkeena.”
“Iyadoo taariikhdeena dhow qaybteeda xanuunka iyo foolxumada leh ay tahay inaan ka gudubno, si aan u gaarno mustaqbal ka wanaagsan kan maanta aanu ku suganahay.”
“57 guuradii, 26-kii June waxay ku beegan tahay anigoo sanadkan ah Madaxweynihii Qaranka, isla-markaana waxaan dib u xusuusanayaa dabaaldegyadii la qabtay doorashadeedii. Dabaaldegyadaas oo ay isugu soo baxeen, ayna soo dhaweeyeen dhalinyaro fara-badan, waayeel, rag iyo dumarba, oo gobol kastoo Soomaaliyeed joogga. Waxay ahayd farriin uu hankeeda aad u weyn yahay, saldhigeeduna uu ahaa nabad, nolol, midnimo iyo cadaalad.”
“Marka munaasabadan waxay tahay mid aad iyo aad noogu weyn ama ugu weyn taariikhdeena, waxaana dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay jooggaan ugu hambalyeeynayaa 57 guurada ka soo wareegatay maalintii calanka Soomaaliyeed oo xor ah laga taagey dhul Soomaaliyeed.”
PUNTLAND POST