Wasiir ka tirsan Jubbaland oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Muqdisho


Wasiirkii dhalinyarada iyo cayaaraha maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Awlibaax ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaaray qaraxii maanta ka dhacay Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Wasiir Awlibaax ayaa firir ka dhashay qaraxa uu madaxa ka galay xili uu marayay meel u dhow Saldhiga uu qaraxu ka dhacay waxaana dhaawaciisa loo qaaday Isbitaalka Digfeer ee magaaalada Muqdisho, halkaas oo uu caawa fiidkii ku geeriyooday.

Madaxwayne kuxigeenka Kowaad ee Jubbaland iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Jubbaland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Awlibaax.

Qaraxii maanta ka dhacay Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku geeriyooday dad ku dhow 10 qof, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST