Faah-faahin ka soo baxaysa qaraxii Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir

Faah-faahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa  qarax gaari loo adeegsaday oo lagu weeraray Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, kaas oo geystay  khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Wasaarada Amniga dowlada Soomaaliya Axmed Maxamud Sayid Carib ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen 5 qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7 qof , wuxuuna sheegay in dhamaan dadkaasi ahaayeen dad shacab ah.

Sayid Carab ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin khasaare Ciidamada iyo saldhiga ka soo gaaray qaraxaasi, wuxuuna qaraxan ku eedeeyay ururka Al-shabaab.

Saldhiga uu qaraxu ka dhacay ayaa ku yaalay Isgoyska Dabka oo ah wado aad u mashquul badan waxaana ku yaalay Kontaroolo ay ciidamada Boolisku ku baaraan gaadiidka.

Maalin ka hor ayay ahayd markii xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir uu ka dhacay qarax ismiidaamni ah oo ay ku dhinteen 11 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen dad kor dhaafaya 20 qof.

PUNTLAND POST