Awaamiir cusub oo laga soo saaray Amaanka Muqdisho

Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo taliyaasha ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo Milateriga ayaa shir jaraa’id oo caawa ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Muqdisho ka soo saaray awaamiir cusub oo ku aadan xasilinta amaanka caasimada Muqdisho.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in qorshaha xasilinta Muqdisho uu yahay go’aan ka so baxay golaha fulinta dowlada Soomaaliya loogana golleeyhahay in Muqdisho ay noqoto magaalo Nabad ah,

Sidoo kale waxay sheegeen in qorshahaasi uu yahay bilow uuna marayo meel wanaagsan, cid allaale cidii ka hortimaadana laga qaadayo talaabo sharci ah.

 Hoos ka akhriso awaamiirta cusub ee ammaanka Muqdisho :-

  1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.
  2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.
  3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.
  4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.
  5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 July ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.
  6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday howgalka lagu uruurinayo  Hubka sharci darada ah ee lagu dhexsito.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST