PUNTLAND POST oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ciidamo ka tirsan Puntland iyo Alshabab ku dhex marey tuulada Af-urur wuxuu gaarayaa dhimashada in ka badan 45 askari, saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland iyo afar qof oo shacab ah.
Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah oo ay soo abaabuleen maleeshiyo ka tirsan Alshabab waxaa wararku sheegayaan inuu yahay khasaaraha dhankooda soo gaarey dhimashada 15 ka tirsan dagaalyahanada Alshabab..
Sidoo kale intii uu socday weerarka gaadmada ee saaka lagula beegsadey ciidamo ka tirsan PUNTLAND fariisin ay ku lahaayeen meel u dhaw tuulada Af urur waxaa lagu gubay tiro dhawr baabuur ah oo ay leeyihiin ciidanka Puntland.
Maleeshiyaadka Al-shabab ayaa dib ugu laabtay fariisimo ku yaala qararka buuraha silsilada Golis,Waxaana gaarey subaxnimadii hore ee maanta Af urur ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada Puntland General Siciid Dheere oo hadda halkaas ku saugan.
PUNTLAND POST