Wasiir ka tirsan Puntland oo is casilay

 

Cabdiwali Seed

Wasiiru dowlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdiwali Seed Cilmi ayaa maanta shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu hayey Puntland.

Cabdiwali Seed oo Warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa is casilaadiisa ku macneeyay cadaadis uga yimid Beesha uu ka soo jeedo, oo uu sheegay in ay ka codsadeen in uu xilkaas iska casilo, isaguna uu ku raacay go’aankaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmaed Cali Gaas ayaa 2-dii bishii April ee sanadkan u magacaabay Cabdiwali Seed Wasiiru dowlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha, isagoo horeyna u ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradaas.

Is casilaada Wasiirka ayaa ku soo Aadaysa xili saaka ciidamo ka ritsan Puntland lagu laayay Af-urur oo ka tirsan buuraleyda Galgala, kadib markii Al-shabaab ay ku soo qaadeen weerar gaadmo ah.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST