Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku kala saxiiday Cadaado

Madaxweynayaasha dowlad gobleedada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ee xarun KMG Galmudug ku kala saxiixday heshiis dhowr qodob ka kooban.

Madaxweynayaasha Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qodobadii ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ahaa in ay sameyn doonaan guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya xal u helida colaada Gobolka Mudug oo soo noqnoqonaysay mudooyinkii ugu danbeeyey.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodobadii ay ku heshiiyeen labada madaxweyne in ay ciidamo isku dhaf ah geyn doonaan goobaha lagu dagaalamay ee gobolkaas, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo warbaahinta ku hadlayey bartamaha magaalada Cadaado xili ay socod luga ku soo mareen magaalada ayaa waxa ay sheegeen in ay ka go’antahay in lasoo afjaro colaada Gobolka Mudug.

Heshiiska labada madaxweyne waxaa goob jog ka haa madaxweynah Jubbaland Axmed  Maxamed Islaam ( Axmed Islaam).

Horey waxaa heshiidyo badan oo noocaan oo kale ah kala saxiixday madaxweyne Gaas iyo madaxweynihii hore ee Galmudug  Cabdikariin Xuseen Guuleed, kuwaas oo aan hirgalin.

Liban Yusuf

PUNTLAND