Diyaarad ku soo dhacday Garoonka Muqdisho

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhacday diyaarad yar oo ay leedahay shirkadda Bancroft oo ah Shirkad qaabilsan la talinta howlaha amaanka iyo tababarada Ciidamada  AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Diyaarada ayaa waxaa ku yimid intii ay hawada ku jirtay cilad, ka dib markii ay u bixi waayeen luguhu waxa ayna muddo ku dul wareegaysay garoonka dushiisa, waxaana markii danbe amar lagu siiyey in ku soo dagto garoonka.

Diyaarada ayaa markii danbe ku soo dhacday dhabaha ay diyaaradu ku ordaan (Run Way) halkaas oo isla markiiba gurmad deg deg ah loogu fidiyey waxaana muddo uu hakad galay shaqadii garoonaka.

Diyaarada ayaa la sheegay in aysan ka dhalan wax khasaare nafeed ah waxaana ka dadbaaday shilkaas 5 ruux oo la sheegay in ay saarnaayeen kuwaas oo Ajaanib ahaa.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaaa garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde ku sooo dhacay diyaarado.

PUNTLAND POST