Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu caleema saaray Cadaado

 

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug ka dhacday xaflad lagu caleema saarayey madaxweynaha cusub ee maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaflada waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedada Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, madaxweyne ku xigeenka Hirshabeellle, guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo wakiilo kale oo ka socday beesha caalamka.

Madaxweyne Farmaajo oo xaflada ka hadlay ayaa ku la dardaarmay madaxda dowlad goboleedada in ay iska ilaa li yaan khilaafka dhexdooda ah, kaas oo uu madaxweynuhu sheegay in ay keento dano shakhsiyeed, sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ay hadda wixii ka danbeeya u soo jeensanayaa heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.

Sidoo kale Madaxda dowlad goboleedada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaflada caleemo saarka ka jeediyey hadallo isugu jira soo dhawayn iyo dhiirri galin ay u jeedinayeen madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono midnimada shacabka Galmudug iyo nabadeynta degaanadaasi, sidoo kale waxa uu baaq u diray hay’adaha ka shaqeeya arimah bini’aadanimada oo uu sheegay in ay gargaar la soo gaaraan dadka reer Galmudug ee ay saaamaynta ku yeelatay  Abaarihii ka dhacay dalka.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa waxaa hor yaala howlo badan oo ay ka mid yihiin in uu wada hadal la furo maamulka Ahlusuuna ee ka taliya caasimada Galmudug ee Dhuusa mareeb.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST