Qadar oo Soomaaliya ka taageeraysa dib u heshiisiinta

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa magaalada Doha ku gaaray heshiis ah in Soomaaliya laga taageero sidii loo furi lahaa dib u heshiisiin Qaran iyo sidoo kale in uu horey u socdo xiriirka labada dal.

Wasiirada arimaha dibada ee Soomaaliya iyo Qadar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Doha ayaa faahfaahin dheeriya ka bixiyey heshiiska ay gaareen labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in dowlada Qadar Soomaaliya ka taageerto dhinacyada Amniga iyo dib u heshiisiin Qaran oo ay dhawaan dowlada Soomaaliya bilaabi doonto.

Sidoo kale Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Yuusf Garaad ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu gaarsiiyey Amiirka dalka Qadar dhambaal mahadcelin ah oo ku aadan sida shacabka Soomaaliyeed ugu qanacsanyihiin taageerada ay ka helaan walaalahooda Qadar.

Dhanka kale waxaa jira heshiisyo kale oo ay gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dalkaas Qadar ,kuwaas oo la filayo in ay dhawaan si rasmi ah madaxdaasi uga hadli doonaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Qadar, kuwaas oo maalmahan booqashooyin ku marayey dalal dhowr ah.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST