Dekeda Berbera oo lagu wareejiyey DPWORLD iyo Ethiopia oo 19% la siiyay maalgashiga Maamulka

Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Dekeda magaalada Berbera shirkada DPWORLD ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta laga leeyahay oo  horay heshiis 25 sano ah ay la galeen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa xaflad ka dhacday Dekeda magaalada Berbera oo ay goob joog ahaa yeen Wasiir  iyo Xildhibaano ka tirsan Somaliland iyo wafti ka socday Ethiopia ku wareejiyay gudoomiyaha shirkada DPWORLD Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Madaxweyne Siilaanyo oo xaflada  wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in tartan ganacsi oo dhinacyo badan lihi uu ka socdo geeska Afrika , kaa soo wax tar weyn u leh shucuubta ku dhaqan mandiqadda geeska Afrika, sidoo kale Siilaanyo ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dedaal dheer u gashay maalgashiga Dekeda Berbera iyo ballaarinteeda oo uu sheegay in ay wax weyn ka tari doonto nolosha iyo dhaqaalaha Bulshada Somaliland.

Dhanka kale Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb Mohamed ayaa goobta ka sheegay in 19% Ethiopia la siiyay maalgashiga maamulka Dekeda Berbera, taas oo aan horey loogu sheegin heshiiskii ay galeen Somaliland iyo shirkada DPWORLD.

Shirkada DPWORLD ayaa dhawaan sidoo kale la gashay Puntland heshiis ay kula wareegayso Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

liban Yusuf

PUNTLAND POST