Dowlada Federaal Soomaaliya ayaa sheegtay in 5-tii May 2017 ay Ciidanka Xooga Dalka dileen Hoggaamiyihii Al-Shabaab Shabeelaha Hoose Macalin Cismaan Cabdi Badil iyo saddex maleeshiyaadka kooxdaas ah.
Dowlada Federaalku waxay sheegtay in dhimashada hoggaamiyaha ay wiiqeysoo awooda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, tasooo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas.
Howlgalkan ciidanka fuluyeen ayaa la sheegay in uu ahaa mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab iiyo cabsida joogtada ah ee kooxdani ay ku cabsigeliyaan shacabka Soomaaliyeed.
Dowladu waxay sheegtay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay u furan tahay fursad ay kooxdaas argagaxisada ah uga soo baxaan bacdamaa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya waxey xoojinayaan dagaalka lagula giro argagaxissada ah.
Sidoo kale dowlada ayaa sheegtay in dhalinyaro fara badan ay Dowlada ku soo biireen, kuwa kalana inta ay goori goor tahay ka soo baxaan kooxdaas argagaxisada ah.
Dowlada Federaalku waxay Ugu danbeyn ugu baaqday in fursadani tahay fursad qaali ah oo aad dib-u-dhiska dalkaaga uga qeybqaadan karto, kuna hagaajin karto mustaqbalkaaga, kan qoyskaaga iyo kan dalkaaga.
PUNTLAND POST