Shacabka Faransiiska ayaa saaka u dareeray codbixinta wareega ugu danbeeya ee doorashada Madaxtinimada dalkaas oo ah mid aad u adag.
Codbixiyaasha Faransiiska ayaa kala dooran doona labada Musharax ee kala ah Emmanuel Macron oo ka socda xisbiga dhexe iyo haweenayda Marine Le Pen oo ka socota xisbiga midigta fog.
Labda Musharaxa ayaa sameeyay balanqaadyo kala duwan iyo sida ay u wajahayaan dhibaatooyinka haysta Faransiiska, waxayna ku kala duwan yihiin afkaar ay ka mid yihiin dadka soo galootiga ah, siyaasada Yurub iyo dhaqaalaha.
Musharax Macron ayaa maalin ka hor baraha Internet-ka lagu faafiyay xog badan oo ku saabsanayd Ololihiisa doorashada, kadib markii la jabsaday macluumaadka Kombiyuutaradiisa.
Natiijada doorashada ayaa la saadaalin karin, maadaama labada musharax ay aad isu dhowyihiin.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST