Awaamiir laga soo saarey Amniga magaalo madaxda Puntland

Ciidamada Amniga ayaa ka bilaabay magaalada Garowe hawlgal lagula dagaalamayo gadiid lagu eedeynayo inay isticmaalaan wadooyin mamnuuc ah kuwaas oo saraakiil ka tirsan booliska ay sheegeen inay ku lug leeyihiin falalka amniga lidka ku ah iyo la fakashada canshuurta.

Bashiir Cismaan Cawad oo ah taliyaha saldhiga kantaroolka galbeed ee magaalada Garowe oo u waramay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay intii uu socday hawlgalkan inay gacanta kusoo dhigeen 11 gaari .

Wuxuu sheegay Taliye Bashiir in lagu beegsanayo hawlgalka ciidanku ka wadaan dhinacyada magaalada gadiidka la fakada canshuurta iyo kuwa sida maandooriyaha iyo waxyaabaha ka mamnuuca in lasoo galiyo gudaha dalka.

Dhagayso Wareysiga Taliyaha.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST