HRW: Xuquuqda ay tahay in dowladda Cusub ee Soomaaliya ay mudnaanta siiso

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa  maanta warbixin ka kooban toban qodob oo ka hadlaysa mudnaan-siinta xuquuqda aadanaha ku sheegtay in dowlada cusub ee Soomaaliya ay xaqiijiso in ciidamada Amaanka lala xisaabtamo iyo in ay wanaajiso difaacidda dadka aadka u nugul.

Human Rights Watch  waxay sheegtay in Shirka London ee ku saabsan dib u habaynta ammaanka Soomaaliya ee la filayo in uu dhaco 11-ka Mey 2017, uu muhiim u yahay hogaanka Soomaaliya iyo howlwadaagayaashooda caalamiga ah, si ay u sameeyaan ballanqaad ku aaddan in wax laga qabto tacaddiyadii dhacay iyo in la wanaajo ka jawaab-celinta mustaqbalka ee dhibaatooyinka ka dhasha dagaalka, macluusha iyo siyaasad xumada.

Sidoo kale Human Rights Watch Waxay codsay  in dowladda cusub Soomaaliya oo taageero ka helaysa howlwadaagayaasheeda caalamiga ah ay tallaabooyin wax ku ool ah ka qaadaan kuwa tacaddiyada galay, ayna joojiso xadgudubyada ka dhanka ah dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya ee ka badan 1.1 milyan qof, carruurtana ay ka reebto askarnimada, ayna samayso maxkamadeyn cadaalad ah oo ku aaddan tacaddiyada galmada iyo in ay wanaajiso xorriyada warbaahinta.

“Hogaanka cusub ee Soomaaliya waxa uu wajahayaa dhibaatooyin badan oo u baahan in degdeg wax looga qabto,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah cilmi-baare Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. Waxa ay intaa ku dartay “Dowladdu waa in ay si degdeg ah u difaacdaa dhammaan dadka rayidka ah ee khatarta ku jira, si aanay dhibaato dheeraad ah ugu dhicin, ayadoo la xisaabtamaysa kuwa gala tacaddiyada xuquuqda aadanaha”.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ay iska indha tirtay xuquuqda asaasiga ah ee dadka ay qabato, ayadoo dadka xabsiyada ku hayso muddo dheer ka hor inta aan maxkamad lasoo taagin, una diidda helitaanka matalaad sharci iyo ayadoo ku qasabta in ay dembiyo qirtaan.

“Howlwadaagayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya waa in ay taageeraan dib u habaynta muhiimka ah ee looga gol leeyahay in cadaalad loo helo tacaddiyada ba’an iyo in isbedel micno leh laga sameeyo Soomaaliya,” ayay tiri Bader, oo intaa ku dartay “Waa in kaalmadooda ay ku hagaajiyaan sidii loo soo afjari lahaa tacaddiyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, samaynta ciidamo ammaan oo lala xisaabtami karo, iyo in ay dowladda kala shaqeeyaan caawinta bulshooyinka sida weyn loo gacan bidixeeyay ee dalka ku nool.”

Dhanka kale Human Rights Watch waxay dowladda ugu baaqday  in ay wax ka qabato hanjabaadaha, caga-jugleynta iyo weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha, kuwaasoo muddo dheer caqabad ku ahaa xorriyada warbaahinta, in ay dhiiragelisaa in si madax bannaan looga warami karo arimaha xasaasiga ah sida musuqmaasuqa iyo ammaanka, in ay dib u eegis ku samaysaa sharciga saxaafadda si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah, iyo in ay si buuxda oo lagu kalsoonaan karo u baarto hanjabaadaha iyo weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha.

PUNTLAND POST