Real Madrid oo guul ka gaadhay kulankii Champions League-ga ee Derby Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa caawa garoonkeeda Santiago Bernabue ugu awood sheegatay kooxda ay deriska yihiin ee Atletico Madrid, ka dib markii ay 3-0 ku garaacday kulankii lugta hore ee Afar dhamaadka (Semi-final) tartanka horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa ku bilaamatay qaab ciyaaar wanaagsan, laakiin Real Madrid oo marti loo ahaa ayaa ku cagan saraysay ciyaarta, maadaama kulankani iyada muhiimad gaar ah u lahaa.

C. Ronaldo oo ah ninka sanadkan haysta bilada lagu abaalmariyo laacibka sanadka ee kubadda cagta ayaa kooxdiisa Real Madrid guusha ku hogaamiyay, markii uu Sedexlay dhaliyey daqiiqadihii 10-aad, 73-aad iyo 86-aad, isagoona dhigay Rikoor kale oo cusub markii uu dhaliyey goolkii 400-aad ee wayihiisa Real Madrid, sidoo kalana Champions League-ga ka dhaliyay Sedexlaydiisii labaad oo xiriir ah.

Real Madrid oo ah kooxda difaacanaysa kooban ayaa hadda lugta hore la gashay finalka tartankan, ka hor kulanka labada kooxood ay ku kala bixi doonaan oo ka dhici doona garoonka Atletico Madrid ee ee Calderon.

Atletico Madrid ayaa haysata fursada ay ugu soo bixi karto finalka tartankan10 bishan May kulanka lugta labaad oo garoonkeeda marti loogu yahay.

Hoos ka Dawwo Ciyaarta oo goos goos ah iyo Sawiro


Liban Yusuf

PUNTLAND POST