Ra’iisul wasaarah Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay Madal looga hadlayey dar-dar galinta wax qabadka Xukuumada iyo diyaarinta qorshaha Xukuumada ee wax qabadka 3 bilood.
Ra’iisul wasaare Kheyre oo kulanka Khubad ka jeediyey ayaa ka hadlay qorshaha Xukumaddu ay ku doonayso in ay dalka ka hormariso dhinacyada Siyaasadda Arrimaha gudaha ,dhaqalaha, waxbarashadda, Caafimadka iyo midnimadda siyaasadda midaysan ee Caalamku Soomaaliya kula macaamilayso.
“waa inan shacabka dhex galnaa oo an dhageysanaa talooyinkoodda ,waa inan aqbalnaa Isla xisaabtanka ,waa inan Ciidankeena dhiiri galinaa Ciidankeena aniga xitaa hadii ay iigu yeeraan inan ugu tago meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Kheyre.
Ra’iisul wasaare Kheyre oo la hadlayay Wasiirada kulanka ku sugnaa ayaa ku booriyay in ay ka faa’ideestaan fursada wanaagsan oo ay dalkooda iyo shacabkooda maanta dhibaatada ay kaga saari karaan.
“Maanta waxaad haysataan Fursad wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan dhibaatadda, isla markaana ad samaysaan Tariik lagu xasuusto Xukumadda ,taana waxaad ku samayn karaysaan in ad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiina “ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.
Madashan looga hadlayey dar-dar galinta wax qabadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa socon doonta muddo Labo maalmood ah.

PUNTLAND POST