
Xukuumada Pyongynag ee uu hogaamiyo Kim Jong-un ayaa markale riday Gantaal nooca Ballistic-ga ah, kadib markii Xoghayaha arimaha dibada ee Maraykanka Rex Tillerson saacado ka hor ku baaqay in si adag loo wajaho Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweynaha Maraykan Donald Trump ayaa sheegay in Gantaaalka ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi ay ixtiraam daro ku yahay Wadamada Gobolka, gaar ahaan dalka Shiinaha.
Dhanka kale Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa sheegay in Gantaalka ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi aan lagu guulaysan.
Maraykanka ayaa horey uga digay in cawaaqib xumo ka dhalan karto haddii aan caalamku talaabo ka qaadin xukuumada Pyongynag, laakiin dalal ay kamid yihiin Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka soo hor jeeda in talaabo Military loo adeegsado Kuuriyada Waqooyi.
Tijaabada Gantaalkan ayaa sidoo kale ku soo aadaysa maalmo kadib markii Trump uu markale ka digay in uu dhici karo dagaal weyn oo lala galo Kuuriyada Waqooyi.
Arintan ayaana sii kordhinaysa xiisada ka dhex aloosan Maraykanka iyo Kuuriyada waqooyi.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST