Madaxweynah dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay maagaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa booqasho Seddex bari ah ku tagay dalka Turkiga waxayna kulamo la qaateenda madaxda ugu sareysa dalka Turkiga, sidoo kaleĀ waxay ka qeyb galeen shirkii madaxda Africa iyo Turkiga oo looga hadlay wax soo saarka beeraha.
Sidoo kale Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo is afgarad ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka.
Dowlada Turkiga ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa saaxiib dhow la ah dalka Soomaaliya.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST