Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Buuhoodle gaarsiisay diyaarad siday shixnad isu jirta Daawo iyo Nafaqo.
Diyaarada ayaa waxaa la socday Xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayee Xildhibaan Axmed Jaamac Jaangali, Xildhibaan Sharmaarke Garaad Buraale iyo Xildhibaan Ikraan.
Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa wafti gaas ku soo dhaweeyay Golaha sare ee dhaqanka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, Golaha deegaanka degmada, Cuqaal, Gudiga Abaaraha, bahda caafimaadka iyo dadweynada magaalada Buuhoodle.
Xildhibaanada ayaa sheegay in ay mucaawinadan ay keenytay dowladda Federaalku tahay oo kaliya xus, maadaama ay iska yartahay wax ay diyaaradi soo qaadi karto, ayna soo socdaan mucaawinooyin kale.
Deegaanada Boohoodle ayaa ka mid ah meelaha Abaarta ka jirta dalka ay aad u saamaysay.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST