Ruushka oo diidmada qayaxan kala hor yimid qaraar quseeyay Suuriya

Dowlada Ruushka ayaa diidmada qayaxan kala hor timid qaraar qabyo ahaa oo ay soo diyaariyeen wadamada Maraykanka,Faransiiska iyo Britain.

Qaraarka uu Ruush diiday ayaa lagu dalbanayay in Suuriya ay ogolaato in baaritaan lagu sameeyo weerarkii looga shakisanaa in loo adeegsaday Kiimiko ee ka dhacay todobaadkii hore, magaalada mucaaradku gacanta ku hayaan ee Khan Seikhoun oo ay ku dhinteeen 89 qof.

Dood kulul oo Golaha Amaanka ka dhacday ka hor inta aan codka loo qaadin qaraarkan ayaa Safiirka Maraykanka u fadhiya golohaas Nikki Haley sheegay in mar hore la rabay in uu Ruushku joojiyo difaacida madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-Asad.

Dahanka kale Ergayga Ruushka u fadhiga Golaha Amaanka Vladimir Safronkov ayaa isna sheegay in uu la yaabay sida ay wadamada reer galbeedku u dhaliilayaan madxweyne Asad, iyaga oo aan xog o gaal u ahayn wax aka socda Suuriya.

Maraykanka ayaa Khamiistii hore 59 gantaal oo nooca Cruise-ka ah ku diray garoonka Shayray, maalin ka dib markii uu dhacay weerarkii magaalada Khan Seikhoun, wuxuuna sheegay in 20% uu ku burburiyay diyaaradaha dagaalka Suuriya.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST