Dood cimiyeed si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay iska kaashadeen Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Puntland iyo Warbaahint dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska ha’addaas ee Garowe.
Dood cilmiyeedaas oo lagu falanqaynayey arrimaha Amni ee Puntland ayaa waxaa warbixn dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka bixiyey Wasiirka wasaarradda Amniga dowladda Puntland Cabdi xirsi cali qarjab, Taliyaasha waaxyaha Amniga qaarkood oo ay ka mid ahaayeen, Gen Muxiyaddin Axmed Aw Muuse, Gaashaanle sare Jimcaale Jaamac takar, Taliyaha Hoggaanka ciidanka ee Booliska Puntland G/sare Bilaal Guursade iyo saraakiil kale oo ka socday qaybaha kala duwan ee ciidamada Puntlad.
Waxaa sidoo kale dood cilmiyeedkaas si dheer uga hadlay taariikhdii hore ee ciidanka Amniga Somaaliya Khabiir aad ugu xeel dheer arrimaha ciidamada iyo amniga General Cabdi cismaan Firdhiye, Genanka ayaa carrabka ku dhuftay in wax badan oo lagu faani karo ay Puntland ku tallabsatay, balse loo baahan yahay in ay ciidamadu si joogta ah tababar u hellaan, laguna dhiira galiyo howsha ay ummaadda u hayaan.
Dhanka kale waxaa dood cimiyeedkaas ka hadlay aqoon yahanno iyo indho garad talooyin wax ku ool ah la wadaagay Masuuliyiinta arrimaha amniga ee dowladda Puntland, waxaana la isla qiray heerka wanaagsan ee amniga Puntland hadda marayo, loona baahan yahay in la sii wanaajiyo.
Intii doodaasi socotay ayaa wasiirka Amnigu wuxuu si gaar ah uga warbixiyey qorshaha dowladda Puntland ee lagu horumarinayo dhanka aminga iyo in ay dowadda ka go’an tahay in amnigu noqdo mid wanaagsan oo la isku hallayn karo, cidwabana kalsooni siin kara.
Dhanka kale Saraakiisha Ammaanka ayaa carrabka ku dhuftay in dowladdu Puntland bilowday howl gallo horumar wanaagsan laga gaaray siina xoojinaya in ay Puntland noqoto dal iyo degaan nabdoon oo dadka deegaan iyo Maal gashi ka doonaya Puntland ay iman karaan.
Aqoon yahanada ayaa talooyin wax ku ool ah la wadaagay madaxda dowladda Puntland iyo saraakiisha u xilsaaran Amniga xusayna in ay jiraan dad badan oo Puntland iyo Soomaliweyn isigu jira oo doonaya in ay u soo dalxiis tagaan dalkooda loona baahan yahay in loo sii tabaabushaysto, aqoon yahanadu waxay ammaaneen howgalladan ay ciidamada ammaanku wadaan.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Ha’adda Astayta dowladda Puntland ayaa carrabka ku adkeeyey in ay Puntland haddaa gashay waji cusub oo horumar ah kuna qotoma Maamul wanaag iyo shaqo hufnaan, isla markaasna dagaal cad lala galayo Musuqmaasuqa noocuu doono ha ahaadee, wuxuuna ciidamada Amniga ka codsay in la dagaalanka musuqmaasuqu noqdo cadowga kowaad ee dagaal saf ballaran ah lagu qaadayo dowlad iyo shacabba.


PUNTLAND POST