Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa guul muhiim ah ka gaartay Barcelona oo marti u ahayd, kulan ka tirsanaa wareega Siddeed dhamaadka ee koobka Champions League-ga, ka dib markii ay 3-0 ugu awood sheegatay.
Da’a yarka reer Argentina Paulo Dybala ayaa labo ka mid ah goolasha dhaliyay,halka goolka kalana uu saxiixay difaaca reer Talyaani Giorgio Chileini.
Juventus ayaa heshay goolka kawaad bilowgii ciyaarta, ka dib markii daqiiqadii 7-aad Paulo Dybala uu kubad qurub badan oo jarnayd daba mariyay goolhaye TerStegen oo aan wax badbaadin ah samayn, isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0.
Paulo Dybala oo ahaa xidiga garoonka ayaa markale daqiiqadii 22-aad soo taabtay shabaqa Bacelona, isagoo indhaha caalamka tusay tayadiisa cayaareed.
Qaybtii labaad ee ciyaarta Giorgio Chileini ayaa niyad jab ku riday Barcelona daqiiqadii 55-aad markii uu kubad koorno ahayd oo uu soo qaaday Miralem Pjamic uu madaxa ku dhaliay, isagoo ciyaarta ka dhigay 3-0 oo ay Juventus ku hogaaminayso.
Barcelona oo samaysay dadaalo badan ayaa awoodi wayday in ay la timaado wax gool ah, ka dib markii ay dhaafiweyday difaacda birta ah iyo goolhayaha waayo araga ah ee Juventus.
Barcelona ayaa hadda haysata fursad ah in ay lugta labaad ee Camp Nou la timaado goolal intan ka badan, si ay ugu gudubto wareega Afar dhamaaka koobkan.
Kooxaha reer Spain ayaa inta badan guuldaro kala soo kulma garoomada Tayaaniga kulamada Champions League-ga .


Liban Yusuf
PUNTLAND POST