Somaliland oo xirtay koox dhawaan Urur diimeed kaga dhawaaqday Hargeysa

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xiray qaar ka mid ah koox dhawaan magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Urur diineed la magacbaxay Saaciduuna bil Xaq.

Taliyaha ciidamada Booliska Somalind Cabdulaahi Fadal Iiman oo warbaahinta kula hadalay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay hawlgal Shalay ilaa Xalay ciidamada Boolisku Somaliland ka sameeyeen magaalada Hargeysa ku soo qabteen 3 xubnood oo ka mid ah kooxihii Hargeysa kaga dhawaaqday Urur diimeedkaas, isla markaana si deg deg ah loogu xalaaleeyay Maxkamada awooda u leh iyo xeer ilaalinta.

Sidoo kale Talihaya ayaa sheegay in Urur diimeedkaasi yahay mid sharci daro ah amnigana khatar ku ahaa, isla markaana ragan la qabtay la hor geen doono sharciga sida ugu dhakhsaha badan.

Kooxaha la magacbaxay Ururka  diimeedka Saaciduuna bil Xaq ayaa dhawaan looga dhawaaqay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST