Ciidamo isku dhaf ah oo tababar looga furayo Muqdisho

Cabdiraxmaan Sheekh Cumar (Jeeni qaar) oo ah Sargaal qaabilsan dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyed ee Puntland ayaa ka war bixiyay safar uu ku yimid deegaanada Puntland .

Jeeni qaar ayaa sheegay in u jeedada safarkiisa ay tahay sidii uu u diiwaan galin lahaa 3,000 oo Askari oo loo furi doono dhowaan tababaro.

Sidoo kale Sargaalka ayaa sheegay intii uu Puntland joogay in uu kulamo la qaatay Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Guddigii waday diiwaan galinta ciidamada tababarka loo furi doono.

Dhanka kale Jeeni qaar ayaa sheegay in ciidamada tababarka loo furi doono laga wada diiwaan galin doono guud ahaan maamul goboleeda dalka ka jira waxa uuna intaas kudaray in ciidamada marka la tababaro ay kamid noqon doonaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya laguna dabooli doono baahiyo kasta oo dhanka ammaanka ah ee uu dalka qabo, wuxuuna sheegay in ciidamada tababarka looga furi doono gudaha dalka gaar ahaan xarunta tababarka ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo dhowaan dowlada Turkiga ay ka hirgalisay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka .

Sargaalka ayaa dhanka kale ka hadlay dagaaladii soo noq noqday ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxa uuna sheegay in aysan dagaalo ka dheceen Gaalkacyo hadii ay joogi lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo isku dhaf ah waxa uuna sheegay in colaada Gaalkacyo ay abaabulayaan dad aan ka fakarayn mustaqbalka degmada.

Ugu danbeyn mar Sargaalka wax lagaweydiiyay in tababarada ciidamada ay fursad ooga banaan tahay dhalinyarada ayaa waxa uu Taliyaha sheegay in dhalinta ay haystaan fursad weyn oo ay kaga faa’ideysan karaan tababaradaas.

Waa markii ugu horeysay tan iyo bur-burkii dowlada dhexe ee Soomaaliya oo ciidamo isku dhaf ah tababar loo furo dalka.

PUNTLAND POST