Madaxweyne Gaas oo safar ugu Ambabaxay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha Garowe ee Kanooko, isagoo ku siijeed dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Gaas oo ay wahelinayaan wafti ka tirsan xukuumadiisa ayaa ku sii hakandoona dalka Itoobiya.

Madaxweyne Gaas oo Warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in safarka uu ku tagayo Imaaraadka Carabta uu quseeyo balaarin Dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo uu sheegay in ay fa’iido u leeyahay shacabka Puntland.

Madaxweyne  Gaas ayaa 22-kii bishii hore dib ugu soo laabtay dalka, ka idb safar 10 cisho qaatay oo uu ugu maqnaa dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya.

 Dhowr dhow la soco warbixin dhameystiran