EU oo ka digtay Cuduro ka dilaaca Abaarta Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ka digay in Soomaaliya oo ay ka jiraan xaalad Abaareed oo aad u liita ay dadku sidoo kale wajahayaan xanuuno uu ka mid yahay Daacuunka.

Madaxa gargaarka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr Johan Heffinck ayaa sheegay in sanadkan oo kaliya la diiwaan galiyay in ka badan18 kun oo kiis oo cudurka Daacuunka ah, halka hore ee aan soo dhaafnay la diwaan galiyayin ka badan 3 kun oo kiis.

Tirada dadka uu soo ritay xanuuka Daacuunka ayaa sare u kacday, iyadoo qeybo ka mid ah Gobolada Koofurta Soomaaliya uu aad ugu badan yahay, sida Bay, Bakool, Sh/ Dhexe iyo Gedo waxaana la sheegay in qiyaastii 600 oo qof  oo qaba xanuuno ka dilaacay Abaarta la geeyay xarumaha caafimaadka.

Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay in Abaarahani ay isu bedeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011-kii, markaas oo Kunmanaan dad ah ay dhinteen.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa iyana horay u sheegtay in Abaaraha ka taagan Soomaaliya ay sababeen dhimashada Boqolaal dad ah.

PUNTLAND POST