Madaxweyne Donald Trump oo meel mariyay qorshe ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha dalka Maraykan Donald Trump ayaa meel mariyay qorshe Milateri oo ah in ciidamada Maraykanka ay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaabta ka jirta Soomaaliya.

Qorshahan uu ansixiyay Madaxweyne Trump ayaa ciidamada Maraykan u ogalaanaya in weeraro dheeraada oo dhanka cirka ah ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, sidoo kalana  ay balaariyaan taageerada Milateri ee ay siiiyaan ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedada.

War qoraala oo ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu meel mariyay codsi ku Aadanaa in taageero loo fidiyo ciidamada  Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Ciidamada Maraykan ayaa horey weeraro dhanka cirka ah uga fulin jiray Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo lagu bartil-maameedsan jiray Al-shabaab.

PUNTLAND POST