GOLIS oo $ 50,000 oo dollar ku wareejisay guddiga Layrgalinta Airport_ka Garowe

Munaasabad maanta ka qabsoontay magaalada Garowe ayay maaamulka Shirkadda Golis ku wareejiyeen lacag dhan $ 50,000 oo dollar xubnaha guddiga Layr_galinta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garowe, Waxaana kasoo qeyb galay xafladaan qeybo kala duwan oo ka socda bulshada, Odoyaasha, Waxgaradka, Siyaasiinta, Maamulka Degmada iyo Marti sharaf kale.

Shiekh Fu,aad Afloow oo ah madaxa suuqgeynta Shirkadda Golis ayaa sheegay in qorshahani qeyb ka yahay deeqaha GOLIS ay ku maalgaliso dalkeeda, wuxuuna sheegay inaysan noqon doonin tan kaliya oo ay shirkaddu kaga qeybqaadanayso Leyr_galinta Garoonka Diyaaradaha Garowe.

Fu,aad Afloow ayaa intaas ku daray in deeqdaan middii ka horeysay GOLIS GROUP ay 250,000 oo dollar ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha Puntland.

Dhinaca kale waxaa isla munaasabada guddiga Layr_gainta Garoonka Diyaaradaha Garowe lagu gudoonsiiyay lacag dhan 1000,000  (Kun dollar) oo ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha shirkadda GOLIS qeybtooda ka hawlgasha Gobolka Nugaal

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe waxaa gacanta ku haysa shirkadd Ajnabi ah oo laga leeyahay dalka TURKIGA, wuxuuna hadda marayaa heer ku dhaw gabo gabo.

Wuxuuna tababuracaadkani  qeyb ka yahay taakulo dheeri ah oo ay shacabku doonayaan in ku galiyaan Leyrar ama Iftiin sahli kara in diyaaraduhu habeenkii kasoo degaan Garoonka diyaaradaha Garowe.

DAAWO sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST