Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee saacimada dalka.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo waftiga uu hogaaminyo ayaa waxaa garoonka ee Diyaaradaha ee Adan Cade ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mr Antonia Guterres iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa hadda kulan gaar ah la leh Madaxweynah dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana lafilayaa in ay ka wada hadlaan xaalada guud ee Soomaaliya iyo xaalada Abaaraha ee ka jirta dalka.
Sidoo kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay kulamo kale la yeeshaan madax kale oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya inta ay ku suganyihiin Muqdisho.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in safarka dega dega ah ee uu Muqdisho ku yimid tahay sidii loo xoojinlaha wax kaqabashada Abaarta ka jirta Soomaaliya oo ay dad badani u dhinteen.
Waa markii ugu horeysay oo uu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres soo gaaro dalka Soomaaliya tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxa uuna safarkiisu ku soo aadayaa iyo ay Soomaaliya ka jirto xaalad Abaareed oo aad u liidata.
PUNTLAND POST