Xaruntii lagu qaban lahaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la badelay

Guddiga qaban qaabada Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in la bedelay xaruntii lagu qaban lahaa Doorashada oo ahayd  dugsiga tababarka ciidamada Booliiska ee Gen Kaahiye.

Cabdiraxmaaan Ducaale Beyle Guddoomiyaha Gudiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Doorashadu ka dhici doonto xerada ciidamada cirka Afisyoone ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in 18 musharax oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay dalbedeen in xarunta Gen Kaahiye laga bedelo doorashada.

Inta badan musharaxiinta ayaa ka walaacsanaa in haddii Doorashada lagu qabto xarunta Gen Kaahiye ay dhici karto sababo la xiriira Musuqmaaasuq iyo Amniga.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalinta Arbacada ah ee 8-da Febaraayo.

PUNTLAND POST