Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Puntland oo Tababar usoo xirtay shaqaale cusub

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa tababar la xiriira kor u qaadista iyo tayaynta shaqada xafiisyada dowladda iyo barashada shuruucda shaqaalaha dowladda u soo xirtay agaasime waaxeedyo cusub oo ay qaadatay dawladdu kuwaas oo ka hawlgeli doona Madaxtooyada iyo hay’adda shaqaalaha rayidka ah aiyo xoghaymaha  mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee CIP uga hawlgeli xarumaha Wasaaradda Shaqada, Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah iyo Jaamacadda Puntland State University.

Kusimaha Madaxa Mashruuca tayaynta Shaqaalaha Axmed Diiriye Maxamed oo  ugu horrayn kulanka kelmed ka jeediyey ayaa ku ammaanay shaqaalahan cusub qaabkii ay uga qayb qaadanayeen muddadii uu tababarku socdey isagoona tilmaamay in tababarkaani uu yahay mid waxbadan kusoo kordhin doona aqoonta iyo garaadkoodaba.

Cabdi Shire Ismaaciil Wasiir kuxigeenka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaarada dowladda Puntland oo tababarka soo xiray ku boorriyey shaqaalahaan cusub ee ay dawladdu qaadatay in looga baahan yahay in ay is beddel mugle kusoo kordhiyaan xarumaha ay ka hawlgeli doonaan.

Sidoo kale waxa uu wasiirku xusay in shaqaalahaan cusub looga baahan yahay in ay muujiyaan masuuliyad dheeraad ah  isla markaana ay xil-gaar ah iska saraan ilaalinta sirta dowladda isla markaana ay uga qayb qaadan lahaayeen dar-dargelinta shaqada xafiisyada.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaaamay in looga baahan yahay shaqaalahaan cusubi in ay la shaqeeyaan shaqaalaha uga soo horreeyey shaqada ee ay ugu tegi doonaan xafiisyada isagoona carrabka ku adkeeyey sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay saamayn muuqata ku yeeshaan shaqaalihi uga soo horreeyey shaqada balse aan iyaga saamayn lagu yeelan.