Doorashadii Somaliland oo dib loo dhigay

Xisbiyada siyaasadda Somaliland ayaa maanta go’aan ku gaaray in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo muddo lix bilood ah, iyagoo ugudbiyey go’aankaas guddida doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga talada haya ayaa sheegay in dib u dhigista doorashada ay ugu wacan tahay abaar darran oo ka jirta deegaanada Somaliland, oo adkeyn karta in doorashadu lagu qabto waqtigii hore loo qorsheeyey.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah ee waddani iyo Ucid ayaa sidoo kale qaba in abaarta Somaliland ka jirta oo ah tii ugu darneyd ee muddo la arko darteed aan doorasho lagu qabin karin waqtigii hore loo go’aamiyey.

 Akhriso Go’aaanka ka soo baxay Xisbiyada siyaasada Somaliland
PUNTLAND POST