Jawaari oo ku dhawaaqay Musharaxnimada Guddoomiyaha Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya horeyna u ahaa Guddoomiyihii hore Baarlamaanka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Gudoomiyaha Barlamaanka mar kale.

Jawaari oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay dalab fara badan oo kaga yimid Bulshada Soomaaliyeed, kadib inuu aqbalay inuu isku soo taago xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa sheegay hadii loo doorto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inuu keenaayo isbedel hogaamineed oo ku aadan shaqada Baarlamaanka.

Jawari ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay hogaaminaayay Baarlamaanka Soomaaliya, waana shaqsi siyaasad qabow sida ay tilmaameen dadka falaanqeeya Siyaasada Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ugu danbeyntii sheegay in uu maalinta beri ah xarunta Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka geynaayo foomkiisa isdiiwaangelinta.

PUNTLAND POST