“Wareysi” Xoghayaha guud Midawga Jaaliyaddaha Puntland (SPEDU)

Shir dhawaan ka dhacay dalka Denmark gaar ahaan magaalada Aarhus ee caasimada 2-aad ayaa lagu dhisay Hay’ada SOMALI-PUNTLAND  DIASPORA UNION EUROPE  (SPEDU) kaasi oo ay ku midoobeen Jaaliyadaha Qurba jooogta Puntland ee qaarada Yurub,  halkaasi oo lagu doortay maamul isugu jira laba Golle oo kala ah Gollaha dhexe  oo hogaanka oo loo doortay Gudoomiye Siad Dahir Jama iyo  Gollaha fulinta oo loo doortay Xoghayaha guud Midawga (SPEDU) Mohamed Abdirahman Ali Iise.

Midawga Jaaliyadaha Europe ayaa shirkaasi ka balan qaaday waxqabad isla mar ahaantaana goobtaasi kaga dhawaaqay  taakulaynta dadka ay abaartu ku haleeshay mandaqada Puntland.

Xoghayaha guud ee Midawga Jaaliyadaha SPEDU Mohamed Abdirahman Ali Iise oo khadka taleefanka noogu waramayay isaga oo jooga wadanka Jarmalka ayaan ugu horeyntii wax ka weydiiyey.

1) Ujeedada xiligan loo aas aasay Midawga Jaaliyadaha Europa iyo waxa kalifay in Jaaliyadaha wadamada qaarkood  aanay shirka ka soo qayb gelin?

  1. 13173703_1195944387104764_3278244443080234938_n
    Maxamed Abdiraxman Cali

    a) Shirkii dhawaan ka dhacay dalka Denmark ee lagu dhisay Hay’ada SOMALI-PUNTLAND DIASPORA UNION EUROPA (SPEDU) isla mar ahaantaana ay ku midoobeen todoba Jaaliyadood oo wakiila ka ah Qurba jooogta Puntland ee qaarada Yurub waa himilo u dhalatay dhamaan umada Soomaaliyeed daljoog iyo dibadjoog intaba, wuxuuna midawgani yimi ka dib dadaal dheer oo mudo sanad ah socday, kama dambaystiina Allah idankkii aanu ku guulaysanay, Midawgani wuxuu yimi ka dib markii aanu garawsanay in xaaladaha dalkeenu ku sugan yahay oo marba marka ka dambaysa sii adkaanaya, in sida kaliya ee aanu ku wajihi karaynaa ay tahay anaga oo Midawna, waxa kale oo jeclahay aan fursadan si gaar ah ugu mahadcelinayo Jaaliyadda Denmark iyo Gudoomiyaheeda Saciid Daahir Dhimbil oo iyagu  lahaa Gogol dhiga shirka iyo hanaankii quruxda badnaa ee uu u dhacay.

Dhagayso Wareysiga Xoghayaha Guud ee Midowga Jaaliyadda Puntland

  1. b) Marka aan u soo laabto wadamada Jaaliyadaha aan shirka iman, xaqiiqdii Midawga Qaarada Yurub waa mid dhamaan Jaaliyaduhu raali ka wada yihiin, isla mar ahaantaana ay niyad sami ku taageereen, Jaaliyadaha aan shirkan hore imana waxay iman doonaan kulamada dambe, sida aanu ka war hayno Jaaliyadahasi waxaa u socda shirar dhexdooda ah marka ay u dhamaadaana waxay qaadan doonaan kaalintii ay ku lahaayeen midawga.

15820366_1427932097239324_1021590793_nMuxuu Midawgu ka bedeli karaa xaalada Qurbajoogta?

2) Midawgu wax badan ayuu ka bedeli karaa xaalada Qurbajoogta, waxaana ka mid ah isu ururinta bulshada,  iskaashiga dhexdooda oo kor loo qaado iyo weliba horumarinta dhaqanka iyo Diinta oo ah kann mideeya umada  Soomaaliyeed.

3) Jaaliyadaha Midawga samayeeyay ma la oran karaa wa kuwo hore dalka iyo dadka   wax ugu qabtay mise waa kuwa magac u yaal ah?

3) Ugu horayntii waxaan jeclahay dadka halkan iga dhegaysanaya in aan u cadeeyo Midawga Qurbajoogtu uu yahay tiir ka mid ah kuwa ay Bulshadeenu ku taagan tahay garabna u noqon doona Dawlada iyo Shacabka heer degmo heer Gobol iyo heer Soomaali waynba, Jaaliyadaha Midawga samayeeyay waa Jaaliyado ay hogaaminayaan dhalinyaro aqoon yahan ah oo har iyo habeen u taagan sidii ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban lahaayeen, tusaale ahaan Jaaliyada aan anigu hogaamiyo ee dalka Jarmalku waxay saddexdii sano ee tagtay si is daba joog ah dalka u gaysay deeqo Daawo iyo Qalab caafimaad isugu jirta oo marka loo eego Markr Price-ka qiimahoodu gaarayo 1.700.000 $ waxaan deeqdii ugu dambaysay oo hal Ton oo Daawa ahayd aanu gaarsiinay bartamihii sanadkan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Qaxootiga sanadihii u dambeeyay gaaray wadamada Europa?

Xaalada Qaxootiga dadka Soomaalida ee sanadihii u dambeeyay imanayay wadamada Europa waa mid aad u adag, tirada Soomaalidu aad bay u hoosaysaa marka loo eego tirada guud ee qaxootiga soo gelaya qaarada Yurub, Soomaalidu waxay ka hooseeyaan 1 %, ilaa 20.000 oo Soomaali ah ayaa magangelyo ka dalabday wadamada Yurub sanadkii tegay ee 2015, intooda badan waxay Qaxootio waydiisteen wadamada Jarmalka, Sweden iyo  Austeria, sanadkan dhamaaday ee 2016 tirada Soomaalida magangelyada ka dalbaday wadamada Yurub waxay gaaraysaa ilaa 30.000 oo qof, waxay intooda magangelyo waydiisteen dalka Jarmalka.

Xaalada noloshooda kaaga waramo guud ahaan Soomaalida Qaxootiga ku soo gelaya wadamada Yurub waxay u badan yihiin dhaliyaro intii burburku dalka ka dhacay ka dib dhalatay, intooda badan ma aany helin waxbarasho aas aasiya,  waxayna la kulmaan  dhibaatooyin is daba joog ah, Tahriib, Xabsi mudo dheer ay ku jiraan, halkaasi oo loogu gaysto Tacadi iyo Gaboodfal, qaarkood badaha ayay ku haligmaan, marka  ay wadamada Yurub soo gaaraana waxay la kulmaan niyad jab ama filan waa iyaga oo ay ku adkaato sida ay ula jaan qaadi lahaayeen nolosha wadamada Xurub oo ah mid aad u adag.

Maxay u midoobeen oo Qurba joogtu u qaban karaan Somalida?

Dhagayso Wareysiga Xoghaye Maxamed Cabdiraxmaan Cali Ciise

6) Qurbajoogtu kaalin muuqata ayay ku leeyihiin dhaqaalaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan waxa loo yaqaano (Remittance) sidoo kale waxa loo yaqaan (Invesment) waxa kale oo aan la ilaawi karin (Charity).

Maadaama aanu maanta samaynay Hay’ad na midaynaysa waxaan ugu horayn xooga saari doonaa sidii waxqabadkayagu u noqon lahaa mid midaysan, isla mar ahaantaana is kaashi iyo wadashaqayn toos ah aanu ula yeelan lahayn Daljoogta si dalkeenu noqdo mid dadkiisu iyo cududiisu midaysan yihiin.

Su’aal: Kama dambaystii maxaad kula dardaarmaysaa umada ku dhegaysanaysa dal iyo dibadba?

Jawaab: Umada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waxaan ku boorinayaa si looga baxo dhibaatada mudada dheer ragaadisay dalkeena in aynu ka shaqayno Midnimada Umadeena kana ilaalino waxyaabaha hoos u dhigaya sida tafaraaruqa iyo qabyaalada, midnimadeena ayaa ah tan kaliya ee aan uga bixi karayno dhibaatada dalkeena haysata mudada rubuc qarniga ka badan.

Dhagayso Wareysiga Xoghayaha Guud ee Midowga Jaaliyadda Puntland

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST