Britain oo muwaadiniinta British-ka ah uga digtay Musuqa Doorashada Soomaaliya

Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan baaritaano ku aadan hadii ay jiraan Muwaadiniinta Soomaali British ah ay ku lug leeyihiin musuq-maasuqa doorashooyinka Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Britain u fadhisa Magaalada Muqdisho Harriet Mathews ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay Barta ay Twitterka ku leedahay ku sheegtay in talaabo adag laga qaadi doono Shaqsiyaadka heysta dhalashada Dalka Britain ee ku howlan musuq maasuqa-doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa jira shakhsiyaad dhowr ah oo haysta dhalashada Britain asalkoodu yahay Soomaali oo u tartamay labada Aqal ee Baarlamanaka Soomaaliya iyo musharixiin ka qeybgaleysa doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Britain ayaa qeyb ka hayd qoraal horey uga soo baxay Beesha Caalamka oo lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa shalay isna uga digtay muwaadiniinta Soomaalida ah ee haysta dhalashada Mareykanka ee ka qeybgalaysa doorashooyinka Soomaaliya inay ku lug yeeshaan musuqmaasuq.

Madasha Wadatashiga Qaran ayaa  xalay ka laabatay qaar ka mid ah go’aanadii ay horey ugaaray oo ka mid ahaayeen 18-Kursi oo lagu kordhiyey Aqalka Sare, oo  ay dib u dhigtay madashu.

PUNTLAND POST