Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay Doorashada Soomaaliya

Dowlada Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinta Soomaalida ah ee haysta dhalashada Mareykanka ee ka qeybgalaysa doorashooyinka dalka Soomaaliya inay ku lug yeeshaan musuqmaasuq.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq oo baahsan

Qoraalka laguma bixin faah-faahin dheeri ah, balse dowladda Mareykanka ayaa shalay qeyb ka ahayd qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka oo lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in go’aanka Madasha ay ku saamaxeen musharaxiin ay guddiyada doorashada laaleen codeyntooda sababo la xiriira tuhun xadgudub iyo qaladaad, ay cafis buuxa siineyso qaar ka mid ah sharci darrooyinkii ugu xumaa ee ka dhex dhacay doorashooyinka.

Shalay ayaa la dhaariyay 283 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana lagu wadaa inay muddo u qabtaan doorashada oo dib ugu dhacday sanadka cusub ee 2017.

PUNTLAND POST