Cuba oo meel-marisay in aan la waynayn Fidel Castro

Baarlamaanka Cuba ayaa cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay sharci mamnuucaya in dhismeyaal, wadooyin amaba taalooyin loogu magacdaro madaxwaynihii hore ee geeriyooday Fidel Castro Ruz.

Walaalkiis Raúl Castro oo hadda Xukunka dalkaasi Cuba haya ayaa sheegay in walaalkii uu ka soo horjeeday in aad loo wayneeyo ama aad loo maamuuso uuna horay u sii codsaday in arrintaas baarlamaanka la horgeeyo si ay sharci uga dhigaan.

Fidel Castro ayaa dhashay 13, Agoosto, sanadkii 1926, wuxuuna hogaamiyay kacdoonkii Cuba sanadihii 1959, wuxuuna qabtay xilka Ra`iisal wasaaraha dalka halka laga bilaao 1976 ilaa 2008 uu ahaa madaxweynihii Cuba, wuxuuna qaatay nidaamka Shuuciga oo jasiiraddaas ka jiray ku dhawaad konton sano.

Fidel Castro ayaa geeriyooday 26 November ee sanadkan, isaga oo 90 jir ah.

PUNTLAND POST