Dhaq dhaqaaq ganacsi oo ka bilowday Hobyo

Degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa muddo dheer ka dib waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq ganacsi, ka dib markii todobaadkan ay Dekadda macmalka ah ee Hobyo ay ku soo xirteen laba doomood oo shixnado kala duwan wada una raran ganacsato Soomaaliyeed.

Doomahan oo waday Raashinka nuucyadiisa kala duwan, Baabuur, qalabka dhismaha iyo agab kale, ayaa ka kala yimid Mambasa iyo Dubai, waxaana maamulka Galmudug uu canshuur la’aan ka dhigay dhammaan waxyaabaha ka dagaya Dekadda macmalka ah ee Hobyo.

Qaar ka mid ah ganacsatada ay Doomahan u rarnaayeen ayaa sheegay in hada ka dib ay badeecooyinkooda ay ka soo dajin doonaan Dekadda macmalka ah ee Hobyo.

Furiitaanka Dekada  macmalka ayaa ka danbeysay markii gaadiidkii ganacsi kasoo qaadjiray Dekeda weyn ee magaalada Boosaaso lagu  xanibay Kantaroolka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo,  ka dib markii amar kasoo baxay Puntland lagu diiday inay ugu gudbaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Gaadiid ganacsi oo lagu xanibay Kantaroolka Waqooyi ee Gaalkacyo
Gaadiid ganacsi oo lagu xanibay Kantaroolka Waqooyi ee Gaalkacyo

Ganacsatada deegaanada gobolada dhexe iyo qaar ka mid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa shixnadaha kala soo dagijiray Dekada weyn ee Boosaaso, laakiin waxaa saamaysay xanibaada ay Puntland saartay.

h12

h9

h1

h2

h3

h4

h5

h6

h7

h8

h10

h11

PUNTLAND POST