Qaramada Midoobeey ayaa sheegtay in tirade dadka sida sharcidarada ah ugu tahriibaYurub ee sanadkan Badda Mediterranean-ka ku dhimatay ay gaartay 5,000 oo qof oo tahriibayaal ah.
Qiimeyntan ugu dambeysa oo ay shaacisay hay’adda UNHCR, waxaa ka mid ah 100 qof oo ku dhimatay xilli ay saarnaayeen doon yar oo ku degtay xeebaha Taliyaaniga isbuu lasoo dhaafay.
William Spindler oo u hadlay UNHCR ayaa sheegay in tahriibayaashu raacaan doomo halis ah si ay uga badbaadaan ciidamada oo aan loo xirin, taas oo ah farsamo cusub, isagoo intaas ku daray in tirada dhimashada oo kor u kacday ay tahay digniin.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka tahriibta ka shaqeeya ay bilaabeen in ay hal mar kumannaan qof saaraan doomo aad u liita oo ay adag tahay in dadka laga badbaadiyo.
Xilligan oo Baddu ay cimilo ahaan aad u xuntahay, tirada tahriibayaasha hoos ayey u dhacday, balse halista ay is gelinayaan ayaa ka badan taas.
Qaramada Midoobeey ayaa dalalka Yurub ka dalbatay in la sameeyo qaabab sharci ah, si loo badbaadiyo tahriibayaasha.
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in sanadkan 2016-ka ku dhawaad 360,000 oo qof oo tahriibayaal ah ay galeen qaarada Yurub, in tooda badana ay gaareen dalalka Talyaaniga iyo Giriiga.
IOM ayaa sanadkii hore ee 2015-ka sheegtay in Badda Mediterranean-ka ku dhinteen 3,800 oo qof oo tahriibayaal ah.
PUNTLAND POST