Madaxweynihii hore ee Puntland ahna musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtey magaalada Garowe ku sheegey in geedi socodkii doorashada Soomaaliya burbur iyo siyaasad xumo lagu maamuley, natiijada kasoo baxeysana aan lagu kalsoonaan karin.
Faroole ayaa taageeray qoraalkii digniinta ahaa ee 21-kii December Beesha caalamku ka soo saartay geedi socodkii doorashada soo socday mudada, kaas oo ay ku tilmaantay in lagu maamulay musuq, isdaba-marin, handadaad iyo caga juglayn doorashadii qaar ka mida Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.
Dhanka kale Faroole ayaa ka hadlay xaalada guud ee Puntland gaar ahaan magaalada Galkacayo wuxuuna sheegay in gobolka Mudug la kala xiray isu socodkii dadka iyo ganacsiga taasoo ay ku lug leeyihiin buu yiri mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda.
Sidoo kale Faroole ayaa ka hadlay dilalkii qorsheysnaa ee magaalada Boosaaso loogu geystay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Puntland wuxuuna sheegay iney qeyb ka yihiin dhibaatada amni daro ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Ugu denbayntii Faroole ayaa sheegay in Puntland oo ay ka jirto Abaaro iyo colaad aysan ahayn in madaxdeedu intaas in le’eg ka maqnaato.
PUNTLAND POST