Dib u dhac ayaa mar kale ku yimid Jadwalkii doorashada Soomaaliya iyadoo maanta ay ku beegneyd maalintii loo asteeyay inay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.
Maanta oo taariiqdu ay ku beegan tahay 22-12-2016, oo ah Maalin Khamiis ah ayay aheyd maalinkii lagu balamay in ay dhacdo doorashada gudoon Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, halka 28-12-2016, la qabalahaa Doorashada Madaxweynaha.
Dib u dhacyada Jadwalka Doorashada Soomaaliya ayaa noqotay taxane, maadaama in ka badan 5 mar ay dib u dhacday Doorashada Soomaaliya waqtigii loo asteeyay.
Waxaan la dhaarin Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la isugu yeeray inay ku soo xaadiraan magaalada Muqdisho, halka wali aan la dooran xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyiga Soomaaliya.
Madasha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho kusugan weli kama aysan hadlin Dib u dhaca ku yimid Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Doorashada Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo sanadka 2016, ayaa laga cabsi qabaa inay cagaha la gasho sanadka cusub ee 2017-ka oo maalmo ay inaga xigaan.
PUNTLAND POST