
War kasoo baxay Kooxda Al-Shabab ayay ku sheegatay inay ka dambeeyeen masuuliyada dilkii Magaalada Boosaaso loogu geystay Agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Huruuse.
Al-Shabaab ayaa intaas ku daray inay sii wadayaan dilalka beegsiga ah ee ay ku hayaan Saraakiisha la shaqeysa Puntland.
Aadan Gaas Huruuse oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso ayaa shalay Maqribkii kooxo Baastoolado ku hubaysan oo aan heybtooda la garanayn ku toogteen agagaarka Hotel Huruuse ee magaalada Boosaaso.
Dilalka qorsheysan ayaa ku sii kordhaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waana masuulkii labaad oo ka tirsan Puntland oo muddo todobaad gudihiis ah kooxo aan heybtooda la garanayn ku toogtaan gudaha magaalada Bosaso.
Ciidamada Puntland ayaa saaka howlgalo kawada Magaalada Boosaaso, howlgalkaasi oo lagu baadigoobaayo Kooxihii ka dambeeyay dilka Agaasime Aadan Gaas .
PUNTLAND POST