Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka xaflad sagootin ah magaalada Kismaayo ugu sameeyay xildhibaanada labada Aqal ee dhawaan laga soo doortey Jubbaland.
Xaflada sagootinta waxaa kasoo qeybgalay hadalana ka jeediyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Ra’isulwasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu xildhibaanada kula dardaarmay Soomaalinimo iyo in ay fursad siiyaan hoggaanka la doorto illaa muddo hal sano ah.
Dhanka kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Jubbaland Cabdi Cali Raage ayaa raaligalin ka bixiyey eedeyn guddiga horey oga soo baxday oo ahayd in ciidamada nabad suggida Jubbaland ay ku dhaqaaqeen falal musuqmaasuq ah.










PUNTLAND POST